WARARKA MAANTA
Kooxaha Kala-manjaara iyo Shoori Star oo galabta wada ciyaaraya tartanka Astaan Cup 2023 ee Afgooye

Kooxaha Kala-manjaara iyo Shoori Star ayaa galabta ku wada ciyaari doona garoonka Bariga dhexe ee degmada Afgooye tartanka Astaan Cup 2023.
Tartanka kubadda cagta Astaan Cup 2023 ayaa si habsami leh uga socda degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo ah tartanka horyaalka heerka koowaad ee Afgooye.
Waxaa tartankan oo ay gabi ahaantiis ay taabagelinayso Astaan TV ayaa galabta wada dheeli doona kooxaha Kala-manjaara iyo Shoori Star, waxayna ku ballansan yihiin garoonka Bariga dhexe ee degmada Afgooye.
Astaan Sports oo u taagan sare u qaadista ciyaaraha dalkeenna ayaa degmo iyo tuulo u tagaysa sidii ay u dhiiri-gelin lahayd dhallinta Soomaaliyeed, waxaana guud ahaan ka shaqeynaynaa tartankan xambaarsan magaceenna.

Astaan Sports


