2022 FIFA World CupPremier LeagueWARARKA MAANTA

England vs Spain: Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor final-ka koobka Adduunka haweenka ee 2023

Xulalka England iyo Spain ayaa maanta wada ciyaari doona final-ka Koobka Adduunka haweenka ee 2023, xulkii adkaada ayaana koobka gacanta ku dhigi doona.

Waxa uu kulankan ka baasmi doonaa magaalada Sydney ee dalka Australia maanta marka ay saacadda geeska Afrika tahay 13:00 Duhunimo, iyadoo lagu ciyaari doono garoonka la yiraahdo Stadium Australia.

Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor final-ka koobka Adduunka haweenka ee maanta:-

– Gabdhaha England ayaa la ciyaari doonta dhiggooda Spain final-ka Koobka Adduunka Haweenka ee 2023, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay ku guuleystaan tartanka markii ugu horreysay.

– Final-kan ayaa noqon doona midkii saddexaad oo xulal Yurub ah ay ciyaaraan taariikhda koobka Adduunka haweenka kaddib 1995-kii, markaasoo ay xulka Norway ku guuleysteen koobkoodii ugu horreeyey oo ay ka qaadeen Jarmalka iyo 2003 oo ay gabdhaha Jarmalku ku guuleysteen koobkoodii ugu horreeyey kaddib guul dahabi ah oo ay ka qaateen gabdhaha Sweden.

– Kani waxa uu noqon doonaa kulankii 17-aad ee dhexmara labadan xul, xulka England ayaana gacan sarreeya oo adkaaday 7 jeer, halka gabdhaha Spain ay badiyeen 3 jeer, waxaana labadan xul ay barbaro galeen 6 jeer.

– Mary Victoria Penso ayaa garsoori doonta kulankan final-ka ah, waxaana Mary Victoria oo ah garsoore reer Ameerikaan ah ay 2020-kii noqotay haweeneydii ugu horreysay ee garsoore ka noqota kulan horyaalka MLS-ka Mareykanka.

– Xulka Dumarka ee saddexda Libaax ayaan ku jirin heerkoodii ugu fiicnaa guruubyada Koobka Adduunka sanadkan, waxaana guulihii ay ka gaareen Nigeria iyo Colombia ay ahaayeen kuwo si adag loogu dagaalamay, balse aan lagu qancin qaab ciyaareedkooda, laakiin kulankii afar dhammaadka ayay 3-1 uga soo adkaadeen marti-geliyeyaasha koobka Adduunka ee Australia.

– Gabadhaha Spain ayaa dhaliyey 12 gool saddexdoodii kulan oo ay ciyaareen heerka guruubyada koobka Adduunka ee sanadkan, waxayna shan kale ku garaaceen gabdhaha Switzerland wareeggii 16-ka koobka Adduunka ka hor inta aysan min 2-1 uga adkaan Netherlands siddeed dhammaadka iyo Sweden afar dhammaadka.

– Gabdhaha England ayaa isku dayi doona maanta inay ku guuleystaan koobka Adduunka markoodii ugu horreysay, haddii ay hantaan waxa ay noqon doonaan xulkii ugu horreeyey England rag iyo dumar oo ku guuleysta koobka Adduunka tan iyo sanadkii 1966-kii.

– Xulka ku guuleysta maanta koobka Adduunka haweenka ayaa noqon doona xulkii shanaad ee kala duwan oo hanta koobka Dunida ee dumarka markii sagaalaad ee tartankan la qabto, Gabadhaha Maraykanka ayaa ku guuleystay afar jeer, Jarmalka (laba jeer), Norway iyo Japan ayaa iyaguna min hal goor ku guuleystay koobka Adduunka.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button