WARARKA MAANTA
SAWRRO: Iskuulka Al-Huda-Model oo u gudbay wareegga afar dhammaadka tartanka Iskuulada.

Iskuulka Al-huda-model ayaa u gudbay wareegga afar dhammaadka, kaddib markii ay guul ka gaareen iskuulka Al-Aqsaa kulan ka tirsanaa wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda cagta Iskuulada gobolka banaadir.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag labada Iskuul ayaa soo bandhigay ciyaar qurux badan waxaana natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 1-0 oo guusha ku raacday Iskuulka Al-huda-model oo u gudbay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Iskuulada gobolka Banaadir.
Iskuulka Al-huda-model ayaa wareegga afar dhammaadka la ciyaari doona dugsiga Macalin Jaamac oo ka soo adkaaday Daarul-Neyleyn.
Tartanka Iskuulada ayaa si xiiso leh uga socdo garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee Degmada Cabdicasiis.







