Maxaa laga diiwaangeliyey kulamadii wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka General Daa’uud 2023?
Siddeeda kooxood ee marxalan soo gaaray oo wada dheelay is-arag labo ciyaarood ah ayey ka soo baxeen natiijooyinkan hoose:-
MCC lugta 1-aad 1-0 ayey ku soo dhaaftay Jazeera, walow lugta 2-aad ay galeen barbaro 4-4 ah celcelis ahaan labada ciyaarood Mogadishu City Club ayaa 5-4 kaga soo gudubtay naadiga Jazeera.
Elman lugtii 1-aad 1-0 ayey ku dhaaftay Heegan, iyadoo ciyaartii 2-aad ay Elman 2-1 kaga adkaatay Heegan celceliska labada kulan ayay Elman 3-1 kaga soo baxday dhiggeeda Heegan.
Dekadaha iyo Horseed ciyaartoodii 1-aad barbaro 2-2 ayey galeen, halka kulankii 2-aad ay isku mari waayeen barbaro 1-1 ah, celceliska labadooda kulan waxay noqdeen isla eg 3-3 ah, ugu dambeynna kooxda Dekadaha ayaa gool-ku-laadyo 7-6 ah kaga soo gudtay Horseed.
Gaadiidka iyo Waxool lugtii 1-aad waxay galeen barbaro 1-1, halka lugtii 2-aad ay markale galeen barbaro 1-1 ah, labada kulan celcelis ahaan waxay noqdeen garbo siman 2-2, waxaana gool ku laadyo 3-2 ay kooxda Gaadiidka kaga soo baxeen Waxool.
Isbedel guud ayaa lagu sameeyey qaab ciyaareedkiisa sanadkan kaddib 8 kulan oo la ciyaaray, waxaa la iska dhaliyey 23 gool wareegga 8 dhammaadka, iyadoo la bixiyey 2 kaar oo casaan ah, oo ay kala qaateen Mahad oo Elman ka tirsan iyo Cabaas oo u dheela kooxda Heegan.
Gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka waxa uu noqday Anwar Siid Cali Shakuunda oo uu ciyaara Dekadaha waxa uuna dhaliyey 11 gool isagoo ciyaaray 6 kulan, halka Joshua oo isla kooxda Dekadaha uu caawiyey 5 gool, iyadoo Maamaan oo ah goolhayaha Dekadaha uu shabaqiisa goolal ka ilaaliyey 3 kulan.
Guud ahaan kooxaha ilaa hadda aan laga adkaan tartanka General Daa’uud sanadkan waxa ay kala yihiin Dekadaha iyo Gaadiidka oo min 6 kulan aan dhinacooda dhulka la dhigin, halka kooxda MCC aan laga badin 4 ciyaar, waxaana taasi dheer afarta tababare ee wareegga afar dhammaadka soo wada gaaray ma jiro midkoodna macallin horay ugu guuleystay koobkan, Daadir Amiin oo Gaadiidka ah, Mahad oo hoggaamiya Elman, Geesey oo Dekadaha Wata iyo Caadil oo MCC ah.
Wareegga afar dhammaadka waxaa isugu soo haray kooxaha kala ah:-
Elman oo Khamiis 07/09/2023 la ballansan MCC iyo Dekadaha oo Jimco 08/09/2023 la ciyaari doonta Gaadiidka.
Haddaba labadee koox ayaa u soo gudbi doona kama dambeysta koobka General Daa’uud 2023?
Astaan Sports