SAWIRRO: Kooxaha Xiddigaha iyo Dayax oo barbaro ku kula baxay tartanka Astaan Cup 2023

Kooxaha Xiddigaha iyo Dayax ayaa barbaro ku kula baxay kulan qeyb ka ahaa tartanka Astaan Cup ee ka soconaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Tartanka kubadda cagta ee Astaan Cup ayaa si habsami leh uga socda degmada Afgooye.
Waxaa tartankan oo ay gabi ahaantiis ay taabagelinayso Astaan TV shalay ku wada ciyaaray garoonka Bariga dhexe ee degmada Afgooye kooxaha Xiddigaha iyo Dayax, waxaana ay isla dhaafi waayeen barbaro goolal la’aan 0-0 ah.
Waxa uu kulankan qeyb ka yahay tiro kulamo ah oo ka tirsan tartanka Astaan Cup ee degmada Afgooye kuwaasoo dhammaantood ku dhammaado barbaro goolal la’aan ah.
Astaan Sports oo u taagan sare u qaadista ciyaaraha dalkeenna ayaa degmo iyo tuulo u tagaysa sidii ay u dhiiri-gelin lahayd dhallinta Soomaaliyeed, waxa aan guud ahaan ka shaqeynaynaa tartankan xambaarsan magaceenna.
SAWIRRO:
















































Astaan Sports


