WARARKA MAANTA
SAWIRRO: Kooxda Jaayga oo guul ku furatay tartanka ciyaaryahannada maqalka la’ 2023.

Kooxda ciyaartoyda Maqalka la’ ee Jaayga ayaa guul ku furatay kulankoodii koowaad ee Guruubka B tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ kaas oo si xiiso leh ugu socdo garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium ee degmada Waaberi
Kooxda Jaayga waxaa goolasha u kala dhaliyay lambarka 10-aad Maxamed Cabdirisaaq oo labo gool dhaliyay iyo Cabdinaafac Cabdiqaadir oo labo gool dhaliyay.
Dhanka kale kooxda Sanca labada gool waxaa u dhaliyay lambarka 9-aad Maxamed ibraahim kaas oo ka mid ah weeraryahanada kooxda Sanco.
Ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 4-2 oo ku adkaatay kooxda Jaayga oo guul ku furatay tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023.






