SAWIRRO Kooxda J/daa’uud oo gaartay guushii 3-aad tartanka k/cagta ciyaarytoyda Maqalka la’ 2023.

Kooxda Janaral Daa’uud ayaa gaartay guushii saddexaad tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Seybiyaano.
Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka A labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan waxaana garoonka Macquul Stadium soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 8-5 oo ku adkaatay kooxda Janaral Daa’uud.
Kooxda ayaa adkaatay saddexdii kulan ay soo ciyaareen waxaana haatan ay hoggaaminayaan Guruubka A iyagoo lah 9-dhibcood.
Dhanka kale kooxda Seybiyaano oo ku jrto kaalinta 2-aad ayaa la kulantay guuldaradii ugu horreysay waxayna soo adkaadeen labadii kulan ay horey u soo ciyaaareen tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’







