Xulka qaranka Soomaaliya oo maanta Morocco ku ciyaari doona kulankiisii ugu horreeyey ee saaxiibtinnimo

Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta kulankooda saaxiibtinnimo ee ugu horreeya la ciyaari doona dalka Niger ee dhaca Galbeedka Afrika.
Wiilasha qarankeenna oo maalmihii ugu dambeeyey ku jiray diyaar-garow adag ayaa kulankan saaxiibtinnimo oo ay la ciyaari doonaan Niger waxa uu baasmi doonaa 4:30 galabnimo xilliga dalka Morocco, taasoo ka dhigan in 6:30 Maqribnimo laga daawan doono Geeska Afrika.
Kulankan waxa uu ka qabsoomi doonaa garoonka Berrechid Municipal ee ku yaalla dalka Morocco.
Waxaa marka ay kulankan saaxiibtinnimo la ciyaaraan Niger u xigo doona xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya inay la dheelaan kulan kale oo saaxiibtinnimo dhiggooda Sierra Leone 17-ka bishan October.
Kulamadan saaxiibtinnimo kaddib waxa uu xulka qaranka qaranku la ciyaari doonaa isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026, xulalka Algeria iyo Uganda.
Astaan Sports