2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Xulka qaranka Soomaaliya oo maanta ciyaari doona kulankiisii labaad ee saaxiibtinnimo

Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii labaad ee saaxiibtinnimo ku ciyaari doona dalka Morocco, waxaana ay la ballansan yihiin Sierra Leone.

Wiilasha qarankeenna ayaa kulankan oo ka qabsoomi doona garoonka Berrechid Municipal ee ku yaalla dalka Morocco kula ciyaari doona Sierra Leone kaddib guuldarradii 3-0 ee ay kala soo kulmeen Niger kulankoodii ugu horreeyey ee saaxiibtinnimo.

Kulankan oo ay la ciyaari doonaan Sierra Leone waxa uu baasmi doonaa 7:30 Fiidnimo xilliga dalka Morocco, taasoo ka dhigan in 9:30 Habeennimo laga daawan doono Geeska Afrika.

Waxa ay xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya sidaas ku soo gabagabayn doonaan maanta kulamadooda saaxiibtinnimo, waxaana kaddib ay u diyaar-garoobi doonaan kulammada isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026 oo ay la kala dheeli doonaan xulalka Algeria iyo Uganda.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button