WARARKA MAANTA

Kooxda Gaadiidka oo Macalin Farayare u magacawday tabaraha cusub ee kooxda

Maamulka Naadiga Gaadiidka  ayaa U magacaabay Tababaraha  Rasmiga ah kooxda π‘΄π’π’‰π’‚π’Žπ’†π’… 𝑨𝒃𝒅𝒖𝒍𝒍𝒆 π‘­π’‚π’“π’‚π’šπ’‚π’“π’† sida ay kooxda ku xaqiijisay sawirro ay ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin Facebook.

π‘΄π’π’‰π’‚π’Žπ’†π’… 𝑨𝒃𝒅𝒖𝒍𝒍𝒆 π‘­π’‚π’“π’‚π’šπ’‚π’“π’† oo ah macalin qabiir ah ayaa horrey u soo maamulay kooxo waaweyn oo ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League, iyo xulka qaranka dalkeenna Soomaaliya.

Markii ugu dambeysay wuxuu macalin u ahaa kooxda Raadsan, macalin π‘­π’‚π’“π’‚π’šπ’‚π’“π’† ayaa sidoo kale soo maamulay koox ka dhisan horyaalka Jabuuti.

Kooxda kubbadda cagta Gaadiidka ayaa macalin la’aan ahayd tan iyo markii uu katagay Daadir Amiin oo loo magacaabay macalinka kooxda MCC, kooxda Gaadiidka ayaa ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay muddo 32-sano kaddib.

Kooxda Gaadiidka ayaa sheegtay iney hishiis labo sano ah ay la geleen macalinka π‘­π’‚π’“π’‚π’šπ’‚π’“π’† waxayna u rajeyeen guulo waaweyn inuu gaarsiiyo kooxda Gaadiidka.

Kooxaha horyaalka heerka koowaad ayaa ku jiro diyaar garow ka hor bilaabashada horyaalka heerka koowaad Somali Premier League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button