SAWIRRO: MCC oo guul weyn ka gaartay Badbaado horyaalka Somali National League.

Kulankan oo ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali National League ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee Degmada Cabdicasiis.
Kooxaha MCC & Badbaado ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan kooxda Badbaado ayaa la hormartay gool uu u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 10 -aad Idiris Bilaal kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 daqiiqadii 6-aad ee kulanka.
Inta aan la aadin qaybta nasashada ayay iska soo barbareeyeen kooxda MCC waxaana u dhalliyay kubbad ahayd madax ciyaaryahanka lambarka 26-aad Ibrahima Bangura waxaana lagu kala nastay 1-1 qaybtii koowaad ee ciyaarta.
Markii dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad waxaa hoggaanka ciyaarata u dhiibay MCC ciyaaryahanka lambarka 25-aad Kouassi Quattara, daqiiqadii 61-aad, sidoo kale waxaa goolka saddexaad sii raacsaday ciyaaryahanka lambarka 7-aad Ciise Aadan Yuusuf daqiiqadii 67-aad, goolka afaraad waxaa u dhalliyay kooxda MCC ciyaaryahan Feysal Calis Xusseen oo beddel ku soo galay ciyaarta waxaana natiijada ay ku soo dhammaatay 4-1 oo ku adkaatay kooxda MCC.
Kooxda MCC oo ciyaartay kulankii shanaad ayaa gaartay guushii labaad waxay horey barbaro u soo gashay saddex kulan horyaalka Somali National League.
Dhanka kale kooxda Badbaado ayaa laga adkaaday saddex ka mid ah shantii kulan ay ciyaareen horyaalka Somali National League hal kulan barbaro ayay galeen kaliya kulankii furitaanka horyaalka ayay guul gaareen.
Si kastaba Isa aragga wareegga shanaad ee horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh uga socdo garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.








