Somali premier leagueWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxaha Jeenyo & Heegan oo barbaro ku hishiiyay Somali National League.

Kulankan oo u dhexeeyay kooxdaha Jeenyo & Heegan kana tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u adag waxaana qaybtii koowaad ee kulanka lagu kala nastay 1-1.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay labada kooxood muujiyeen dadaalo dhan kasto wallow ciyaarta ay ku soo dhammaatay 2-2 waqtigii loogu talagay, labada dhinac kuma faraxsaneyn barbarahan.

Kooxda Heegan ayaa gashay barabarihii saddexaad halka Jeenyo ay u ahayd barbarihii labaad ee gashay kulamadii lixaad ee horyaalka Somali National League.

Ciyaaryahanka kooxda Heegan Mahad Basey oo Astaan Sports kula hadlay guddaha garoonka ayaa sheegay iney rajada kooxda Heegan ay tahay mid weli baaqi ah waxaana uu hoosta ka xariiqay in wejiga labaad ee horyaalka ay wax badan ka beddeli doonaan qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen kooxda Heegan.

Maalintii Arbacada ayay ahayd markii uu dib u furmay horyaalka heerka koowaad Somali National League kaddib muddo bil ka badan uu hakad ku jiray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button