SAWIRRO: Kooxda Dekedaha oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Somali Natinal League.

Kooxda kubbadda cagta Dekedaha ayaa guul mumiim ah ka gaartay dhiggeeda Raadsan kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay Dekedaha oo hoggaanka ku hayso 2-1
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Dekedaha ayaa sii dheereysay hoggaanka kulanka waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 5-1 oo ku adkaatay kooxda kubbadda cagta Dekedaha
Kooxda Dekadaha oo ciyaartay kulankii 8-aad ayaa gaartay guushii lixaad sidoo kale waxay barbaro galeen labo kulan halka aan laga adkaanin, waxayna sidaasi ku leeyihiin 20-dhibcood horyaalka Somali National League iyagoo hoggaanka ku hayo saddex dhibcood.
Dhanka kooxda Raadsan oo ciyaartay kulankii 8-aad ayaa la kulantay guuldarradii saddexaad ee horyaalka waxay soo adkaadeen afar kulan halka ay barbaro galeen hal kulan waxayna sidaasi ku leeyihiin 13 dhibcood horyaalka Somali Natinal League.
Kooxda kubbadda cagta Dekedaha ayaa haatan hoggaanka u hayso saddex dhibcood kulamadii 8-aad horyaalka Somali Natinal League.








