SAWIRRO: Horseed oo garaacday Gaadiidka horyaalka Somali Natinal League.

Kooxda Horseed ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka Muqdisho Stadium.
Ciyaartan oo qayb ka ahayd kulamada 9-aad ee horyaalka kubbadda cagta Somali Natinal League, kooxda kubbadda Horseed waxaa goolasha ay u kala dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 9-aad Mahad Shiino daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta iyo ciyaaryahanka dhawaan galka ah ee lambarka 7-aad Cadaawe waxaana natiijada ay ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay kooxda Horseed.
Kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa gaartay guushii lixdaad iyagoo barbar galay saddex kulan, halka hal kulan laga adkaaday waxayna leeyihiin 20-dhicood horyaalka Somali Natinal League.
Dhanka kale kooxda Gaadiidka ayaa la kulantay guuldarradii saddexaad waxay guul gaaraan saddex kulan halka saddex kulan ay barbaro galeen waxayna leeyihiin 12-dhicood horyaalka Somali Natinal League.
Isbuucii sagaalaad ee horyaalka heerka koowaad Somali National League ayaa si xiiso leh ugu socdo garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.







