UncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda k/cagta Dekedaha oo sii dheereysatay hoggaanka  Somali Natinal League.

Kooxda kubbadda cagta Dekedaha ayaa sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Somali Natinal League, kaddib markii guul muhiim ah ay ka gaartay kooxda MCC mid ka mid ah kooxaha ugu adag horyaalka.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag labada dhinac ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxaana hoggaanka u dhiibay kooxda Dekedaha ciyaaryahanka lambarka 19-aad Maxamed Maxamuud Saqraawe qaybtii koowaad ee kulanka, waxaana ay natiijada ciyaarta ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxda Dekedaha.

Kooxda Dekadaha oo ciyaartay kulankii 11-aad ayaa gaartay guushii 8-aad waxay barbaro galeen saddex kulan, halka aan laga adkaanin, waxayna sidaasi ku leeyihiin 27-dhibcood horyaalka Somali National League, iyagoo hoggaanka ku hayo saddex dhibcood.

Dhanka kale Kooxda k/cagta MCC oo ciyaartay kulankii 11-aad ayaa la kulantay guuldarradii 2-aad waxay guul gaareen shan kulan, iyagoo barbaro galay afar kulan waxayna hadda leeyihiin 19-dhibcood horyaalka Somali Natinal League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button