UncategorizedWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024:– Denmark & Slovenia Slovenia oo raadinayso guushii ugu horreysay ay ka gaaraan Denmark Euro 2024

Waxaa caawa wada ciyaari doono xulalka kala ah Denmark  & Slovenia tartanka Euro 2024 kulankooda furintaanka ciyaaraha Guruubka C

Ciyaaryahanka xulka qaranka Denmark Christian Eriksen ayaa sheegay in uusan ka fikirin waxii ku dhacay ciyaartiisii ​​ugu dambaysay ee tartanka qaramada qaaradda Yurub markii uu  wadnuhu istaagay kulankii ay guuldarrada ay kala kulmeen Finland.

Eriksen, oo 32 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu wajaho Slovenia ciyaarta furitaanka Guruubka C Euro 2024 oo caawa ay la ciyaari doonaan xulka kubbadda cagta Slovenia.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man United Eriksen ayaa isticmaalay qalabka (CPR) guddaha garoonka bishii Juun sanadkii 2021 kaddibna waxaa lagu rakibay qalabka wadnaha lagu dhejiyo (ICD) si uu ula socdo garaaca wadnahiisa.

Saaxiibkiisa man United Rasmus Hojlund ayaa laga yaabaa inuu ka soo muuqdo kulanka caawa iyadoo Denmark ay ku jirta kaalinta 21-aad ee qiimeynta FIFA waxaana ku wehliyo Guruubka C England iyo Serbia iyo Slovenia.

Wararka labada xul.

Ma jiraan wax dhaawacyo ah oo labada dhinac, laakiin tababaraha Denmark Hjulmand ayaa qirtay in dhammaan ciyaartoydiisa aysan qaab ciyaareedkooda ku dhammeysan karin 90 daqiiqo.

Waxaan haysanaa fursad aan ku isticmaali karno shan beddel, waana ognahay inaan isticmaali doono taas ayuu raaciyay.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Slovenia weligeed kama adkaanin Denmark lixdii kulan ee horey u soo kulmeen tartamada oo dhan, shan jeer ayaa laga adkaaday hal marna barbaro ayay galeen Waxay ku jireen hal Guruub isreeb-reebka tartanka Euro 2024.

Denmark ayaa markii 10-aad ka soo muuqaneysa ciyaaraha Euro, waxay ku guuleysteen tartanka yurub sanadkii 1992-kii.

Tan iyo guushii 1992-kii, Danmark waxay gaartay heerka knockout laba jeer oo keliya waxay afar dhammaadka gaareen sanadkii 2004, iyo semi-finalka oo ay gaareen sanadkii 2020.

Benjamin Sesko ayaa dhaliyay shan gool waxaana uu caawiyay labo kale sagaal kulan oo uu saftay isreeb-reebka Euro 2024 xulkiisa waana goolasha  iyo caawinta ugu badan uu sameeyay ciyaaryahan ka soo jeedo Slovenia.

Rasmus Hojlund ayaa u dhaliyay toddobo gool xulkiisa isreeb-reebka Euro 2024, isagoo sidoo kale sameeyay darbooyinka ugu badan 23 jeer ayuu ku tuuray shabaqa xulalka uu wajahay wuxuu goolka ku toosiyay 13 ka mid ah darbooyinkaasi.

Ogeysiiska ciyaarta

Taariikhda ciyaarta Axad 16 Jun 2024

Garsooraha kulanka waa Sandro Schaerer oo u dhashay (Switzerland)

Garoonka lagu ciyaarayo MHPArena

Waqtiga 7:00 Pm Fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button