WARARKA MAANTA

Horudhac: Portugal & Turkey warggii ugu dambeeyay Euro 2024..?

Portugal iyo Turkey ayaa wada ciyaari doona kulankoooda labaad ee Group F labada xul ayaa wato min saddex dhibcood waxayna guul ku furteen kulankooda furitaanka Euro 2024 xulkii adkaado kulanka caawa wuxuu si toos ugu gudbi doonaa wareegga 16-ka tartanka Euro 2024.

Wararka labada xul:

Weeraryahanka Portugal Diogo Jota ayaa sheegay in xulkiisa uu rajeynayo ciyaar gabi ahaanba ka duwan kulankii hore isagoo intaa kudaray iney saddex dhibcood ka qaadan doonaan Turkiga kulanka caawa.

Portugal ayaa 2-1 ku garaacday Czech Republic habeenkii talaadada gool uu dhalliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Francisco Conceicao oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Tababaraha xulka Turkiga Vincenzo Montella ayaa sheegay in riyadiisa ugu wayn ay tahay inay garaacaan Portugal si ay u xaqiijiyaan u soo bixitaanka wareegga 16-ka.

Guushii 3-1 ahayd ay ka gaareen Georgia ayaa aheyd markii ugu horreysay ee Turkiga uu guul ka gaaro kulankooda furitaanka Group-ka ee tartanka qaramada Yurub.

Labada xul ma qabaan wax dhaawacyo ah kulanka caawa waxaana xul kasto uu haystaa saf dhammaystiran.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Portugal ayaa guul ka gaaray Turkiga 7 ka mid ah sagaalkii kulan ay ciyaareen halka Turkigu uu laba mar ka adkaaday Portugal.

Calhanoglu ayaa dhameystiray 88 ka mid ah 95-kii baas uu sameeyay kulankii ay Turkiga 3-1 kaga badiyeen Georgia waana tiradii ugu badneyd ee ciyaaryahan Turki ah uu sameeyo taariikhda tartanka qaramada Yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuldareystay inuu gool ka dhalliyo seddexdii kulan ee uu ka horyimid Turkiga.

Labadan xul ayaa markii ugu dambeysay kulmay March 2022, iyadoo Portugal ay 3-1 ku badisay.

Turkiga ayaan ka badinin Portugal tan iyo 2012, guushoodii horreysay waxay ahayd 1955  labada mar waxay ku badiyeen min 3-1.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii afaraad ay isku arkaan Turkiga iyo Portugal tartanka Euro Portugal ayaa badisay dhammaan seddexdii kulan ay horey, iyadoo aan laga dhalin hal gool xulka Portugal.

Kulankii koowaad ayaa  dhacay 1996 ciyaar ku dhammaatay 1-0  wareegga guruubyada tartanka qaramada yurub, kulankii labaad ayaa ahaa Sanadkii 2000 ciyaar ku dhammaatay 2-0 oo ka tirsanayd wareegga sideed dhammaadka  iyo sanadkii 2008 oo ay isku arkeen  heerka guruubyada ciyaar ku dhammaatay 2-0.

Purtogal safka suurtogalka ah ee ku soo bilaaban karo:

Costa; Pepe, Dias, Mendes; Dalot, Fernandes, Vitinha, Cancelo; Bernardo, Ronaldo, Leao

Turkiga safka ku soo bilaaban karo:

Gunok; Muldur, Akaydin, Bardakci, Kadioglu; Ozcan, Calhanoglu; Guler, Kokcu, Yildiz; Yilmaz

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Sabti 22-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Felix Zwayer oo dhashay (Germany)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Signal Iduna Park)

Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button