WARARKA MAANTA

Horudhac: Italy & Croatia wareggii ugu dambeeyay Euro 2024..?

Xulka difaacanaya koobka ee qaramada yurub ee Italy ayaa caawa wajihi doona xulka Croatia iyadoo labada xul ciyaartan u tahay mid muhiim ah si ay uga fogaadaan iney ka haraan Euro 2024 xilli hore.

Spain ayaa horay ugu soo baxday Group-ka B halka Italy ay soo gali doonto kaalinta labaad haddii ay iska ilaaliyaan guuldarro ka soo gaarto  Croatia.

Dhanka kale Croatia ayaa ku dhameysan doonta kaalinta labaad hadii ay garaacaan Italy, oo  Albaniana guuldarro kala kulanto xulka Spain.

Italy waxaa 1-0 ku garaacday Spain kulankoodii ugu dambeeyay, waxaana tababare Luciano Spalletti uu aaminsan yahay in kooxdiisu ay khibrad ka heshay guuldarrada ka soo gaartay Spain

Xulka qaranka Croatia oo soo gaaray kama dambeysta Final-ka koobii Adduunka 2018 ayaa ku bilowday si aan fiicnayn, labadii kulan ay soo ciyaareen iyagoo guuldarro kala kulmay kulankii koowaad xulka Spain halka ay  barbaro la galeen Albania.

Wararka labada xul:

Labada xul midkoodna wax dhaawac ah ma qabaan ka hor kulanka.

Weeraryahanka Torino Nikola Vlasic ayaa xulkiisa ka tagay isbuucii hore dhaawac dartiis, dhammaan 25-ka ciyaaryahan ee Croatia ayaa si caadi ah u tababarantay.

Dhanka kale tababare Spalletti ayaa si maldahan u sheegay in uu isbadal ku samayn doono shaxdiisa kaddib qaab ciyaareedkii liitay ee kulankii Spain.

Daafaca bidix Federico Dimarco ayaa shaki ku jiray laakiin Spalletti ayaa sheegay Axadii inuu taam u yahay inuu ciyaaro kulanka caawa

Xaqiiqooyinka Ciyaarta.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii saddexaad ee Croatia iyo Italy ku kulmaan tartan weyn, kuwaas oo dhamaantood ahaa heerka Group-yada, Croatia ayaa 2-1 ku garaacday Italy koobkii Adduunka ee 2002, ka hor inta aysan barbaro 1-1 ah ku gelin Euro 2012.

Tan iyo markii ay xornimada qaateen 1990-kii, Croatia lagama badinin siddeedii kulan ay la ciyaareen Talyaaniga ( saddex guul ah iyo shan barbaro ah ) seddexdii kulan ee ugu dambeysay ay wada ciyaareen labada xul ayaa ku  dhammaaday 1-1.

Tani waxay noqon doontaa markii shanaad ee Croatia la ciyaarto xulka difaacanayo Koobka Qaramada Yurub iyadoo ciyaar walba ay ku kulmayeen wareega group-yada, waxay 3-0 ku garaaceen Denmark 1996-dii, waxay barbaro 2-2 ah la galeen France 2004, guuldarro 1-0 ah waxay kala kulmeyn xulka Spain 2012, ka hor inta aysan 2-1 ku garaacin Spain sanadkii 2016-kii.

Tan iyo markii la sameeyay heerka guruubyada sanadkii 1980-kii, Italy ayaa laga badiyay kulankoodii ugu dambeeyay ee group-ka hal kulan sagaalkii kulan ay soo ciyaareen ( waxy guuleysteen lix kulan labo kulana barbaro ayay galeen), iyagoo 1-0 kaga badiyay Republic of Ireland  sandkii 2016.

Croatia ayaa laga dhalliyay shan gool heerka group-yada illaa hadda, kaliya waxaa laga dhaliyay goolal badan labo koob oo waaweyn heerka group-yada, Euro 2004 oo laga dhalliyay lix gool iyo lix gool oo laga dhalliyay  koobkii Adduunka 2014.

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Isniin  24-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Danny Makkelie oo dhashay (Netherlands)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Red Bull Arena Leipzig)

Waqtiga 10:00 Pm habeenimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button