SAWIRRO: Degmada Howlwadaag Oo Ku Jirto Diyaar Garoowga Tartanka K/Cagta Degmooyinka & Deegaanada Golbolka Banaadir.
Degmada Howlwadaag ayaa ku jirto diyaar garoowga tartanka kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir oo qorshihiisu yahay in la cayaaro bishan aan ku jirno ee November, tartankan oo ah mid sanadle ah ayaa la qabtaa sanad walbo xiliyadan oo kale waxaana tartanka qabto Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka degmooyinka sanadkaan waxaa ka soo dhex muuqan doono deegaanada kala ah Daarusalaam, Garasbaaleey, iyo Gubadleey oo ah deegaano ku cusub ka qayb galka tartanka taas oo xiiso gaar ah u sameyn doonto tartanaka kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Degmada Howlwadaag oo sanadkii hore ku hartay heerka guruubyada tartanka degmooyinka waxey sanadkaan rajo wanaagsan ka qabaan in tartanka ay ku guuleysan doonaan.
Macalin Iimaan Cali Daahir oo ah Macalinka hoggaamin doono degamada Howlwadaag oo saaka Astaan Sports kula hadlay guddaha garoonka degmada Howlwadaag ay tababarka ku samaynayeen ciyaartoyda degamada ayaa hoosta ka xariiqay in sanadkaan uu yahay sanad ay waqti badan ku bixiyeen in degmada guulo waaweyn ka keento tartanka degmooyinka iyo deeganada Gobalka Banaadir.
Si kastaba Degamada Howlwadaag ayaa ku jirto guruub D waxaa kula ah jiro degmooyinka kala Dharkeenleey, Waaberi, Shibis iyo Wadajir.
W/Q: Shucayb Haamud Ibraahim