SAWIRRO: Wajiyo cusub oo maanta ka soo muuqan doonna kulanka xulka Soomaaliya iyo Azam FC.
Xulka Qaranka dalkeenna Soomaaliya ayaa maanta cayaari doono kulankii labaad ee saaxiibtinimo cayaarahan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga ka hor kulanka Isreeb-reebka koobka Qaramada Qaaradda Africa oo xulka Qaranka Soomaaliya ay la cayaari doonaan Xulka Eswitini 23-ka bishan.
Kulanka saaxiibtinimo ee maanta xulka Qaranka ay la cayaari doonaan kooxda kubbadda cagta Azam FC, waxaa ka soo dhex-muuqan doono wejiyo cusub oo ka maqnaa kulankii saaxiibtinimo ay la cayaareen kooxda Young African, waxaana ka mid ah cayaartoydaas kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliya kulankii Cumaan cayaaryahanka lagu magacaabo Abdisamed kaas oo kamid ah tiro cayaartoy ah oo gadaal ka yimid.
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa la cayaari doono xulka kubbadda cagta Eswatini 23/03/2022, Isreeb-reebka koobka Qaramada Qaaradda Afrika lugta koowaad ayaa lagu cayaari doonaa garoonka kubbadda cagta Benjamin Mkapa National Stadium ee ku yaalo caasimada Daarusalaam ee Tanzaniya, haddii ay ka gudbaan xulka Eswitini waxey u gudbi doonaan heerka guruubyada tartanka kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Africa ee African Cup of Nation oo lagu qaban doono dalka Ivroy Coast 2023,