SAWIRRO: Jaamacadda Mogadisho oo u gudubtay fiinaalka Iftiin Cup.
Jaamacadda Muqdisho ayaa guul ka gaartay dhigeeda Simada tartanka kubbadda cagta Iftin Cup oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho,
Qaybtii koowaad ee cayaarta waxaa hoggaanka u dhiibay Jaamacadda Muqdisho cayaaryahanka lambarka 4-aad Yaasiin Caydaruus waxaana lagu kala maray 1-0 oo hoggaanka ku hayso Muqdisho University.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta wiilasha jaamacadda Simada waxey abuureen fursado ay goolal ku dhallin kareen hasee yeeshee uma suuragelin, waxaana quusiyay cayaaryahanka lambarka 9-aad Yaxye Abuukar oo goolkii labaad ka dhaliyay natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay jaamacadda Muqdisho.
Tartankan oo ah mid saddex geesood ah Astaan Sports ayaa u qabatay Jaamacadaha Muqdisho, Banaadir, iyo Simad oo u dabaal-degayo sanadguuradoodii 25-aad tan iyo aas-aaskooda.
Si kastaba wiilasha jaamacadda Muqdisho ayaa cayaarta fiinaalka la cayaari doono jaamacadda Banaadir maalinta Arbacadda oo taariikhdu tahay 12/10/2022 waxaana lagu cayaari doona garoonka Macquul Stadium ee Degmada Waaberi.






