Wayne Rooney oo magacaabay xiddiga ka tirsan kooxda Arsenal ee joojin kara Erling Haaland
Waxaa la magacaabay ciyaaryahanka ka tirsan kooxda kubadda cagta Arsenal ee joojin kara dhaliyaha kooxda Man City ee Erling Haaland kulanka muhiimka u ah hanashada horyaalka Premier League ee labada naadi dhex mari doona Arbacada soo aaddan.
Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney ayaa magacaabay ciyaaryahanka kaliya ee ka tirsan Arsenal ee joojin kara Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland kulanka go’aamin kara horyaalka ee Arbacada ka dhici doona garoonka Etihad.
Weeraryahanka reer Norway ee Haaland ayaa qaadanaya xilli ciyaareed cajiib ah kaasoo ah kal ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee kooxda Manchester City, isagoo dhaliyey 48 gool tartammada oo dhan, waxaana kooxda uu hoggaamiyo Tababare Pep Guardiola ka caawiyey inay u tartamaan saddex koob.
Waxa ay u badan tahay in habeenka Arbacada uu noqon doono wakhti muhiim u ah tartanka horyaalka Premier League ee labada kooxood, iyadoo Man City ay kooxda Arsenal ku soo dhoweynayso garoonkeeda Etihad.
Haddaba Wayne Rooney ayaa rumeysan in ciyaaryahanka kaliya ee ka tirsan Arsenal ee joojin kara Haaland uu haatan ka dhaawacan yahay Gunners, kaasoo ah William Saliba.
Weeraryahankii hore ee Kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Rooney ayaa u sheegay Jariiradda The Times: “Sidee ayay ku joojin karaan Haaland? iyadoo uu dhaawacan yahay William Saliba, ma jirto cid kale oo Arsenal u ciyaarta oo joojin karta Haaland.”
Kooxda Manchester City ayaa haatan tartan ugu jirta inay ku guuleysato saddex tartan oo kala ah Premier League, FA Cup-ka iyo UEFA Champions League, waxaana Sky Blue ay doonaysaa inay noqoto kooxdii labaad ee Ingiriis ah oo kuwada guuleysata saddexdaas koob tan iyo Manchester United oo wada qaadday sanadkii 1999-kii.
Man City ayaa haatan kaalinta labaad ka joogta horyaalka Premier League, waxa ay afar dhammaadka ka taagan yihiin UEFA Champions League, halka ay Final-ka ka joogaan tartanka faca weyn ee FA Cup-ka.
Astaan Sports