ELMANHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maxay ku kala baxeen Kooxaha Elman iyo Midnimo kulankoodii horyaalka Soomaaliya

Kooxaha Kubadda cagta Elman Fc iyo Midnimo ayaa galabta kuwada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow  kulan ka tirsanaa horyaalka Somaali Premier League, ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan qaybtii hore ee kulanka naadiga Elman waxey soo bandhigeen ciyaar ku dhisan qaab weerar halka kooxda raadsan ay soo bandhigeen qaab ciyaareed ku dhisan daafac waxaana lagu kala nastay 0-0 qaybtii hore ee kulanka xili ay jireen fursado ay abuureen labada kooxood.

Kooxda Elman ayaa qaadey weeraro dhowr ah qeybta koobaad, hase yeeshee uma suurta gelin iney shabaqa gaaraan, dhanka kale kooxda MIDNIMO yaa ka faaideysatay fursad fiican oo ay heleen daqiiqaddii 34-aad waxaa shabaqa dhigay weeraryahan CABDALLA DHAADHOW, ciyaaryahann Bile Cismaan ayaa daqiiqadii 45-aad qaatay kaar jaale kaa oo katirsan isla kooxda Elman.

Qeybtii labaad markii lasoo laabtay ayey kooxda Elman waxaa ay sameeyeen weeraro ay doonayeen iney kusoo celiyaan goolka lagu lahaa, laakiin uma suurta gelin waxaa difaac xirtey kooxda MIDNIMO oo ugu danbeystii ku guuleysatay saddex dhibic ee kulanka 1-0 ayeyna guushu ku raacday waana guuldaradii sadexaad e soo gaartay kooxda ELMAN FC oo kamid ah kooxaha waaweyn ee ka qeybgalaya horyaalka Dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button